Ministry of Transport & Civil Aviation

SAWIRRO:-SAWIRRO:-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo kormeer ku tagtay Waaxyaha Wasaaradda.

Muqdisho.30,AUG,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta samaysay kormeer ay ugu kuur galaysay sida ay u socoto shaqada, kormeerkan shaqo ayaa ka bilaamay Xafiisyada iyo goobaha ay ku shaqeeyaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ayaa qaybaha waaxyaha wasaarada wasiirka soo kala tusay, isagoona si guud sharaxaad uga bixiyay waax walba Shaqooyinka ay qabato.

Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa waaxyaha mid mid u kuur gashay sida shaqooyinka ay u wadaan, iyadoona Agaasimayaasha ka dhagaystay warbixino dhamaystiran oo la xariira sida ay u socoto shaqooyinka ay wasaaradu u hayso Shacabka Soomaaliyeed.

Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Agaasimayaasha iyo hawlwadeenada waaxyaha fartay in ay sii laba jibaaraan shaqooyinka, waxayna intaas ku dartay in isla xisaabtanka iyo kormeerada ay joogto noqonayaan si loo dardargaliyo Siyaasada Xukuumada Dan Qaran ee ku dhisan Qorshayaasha Qaranka ee hortabinta leh.

Tan iyo markii Wasiir Fardowsa Cigaal la wareegtay Wasaarada Gaadiidka ayay qaaday talaabooyin lagu horumarinayo Shaqooyinka Wasaarada , iyadoona kulamada ay samaysay dhamaantood ku qotomeen dardar galinta hawlaha horyaal Wasaarada Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada.
DAAWO SAWIRRO

           
DHAMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka dadwaynaha ee Wasarada Gaadiidka iyo Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya
Email: Info@motca.gove.so