Ministry of Transport & Civil Aviation

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo guddoomisay kulan la xiriira horumarinta Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.

Muqdisho , September, 19, 2022 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta guddoomisay kulan howleed la xiriira horumarinta garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho.
Iyadoo ka duuleysa hiigsiga horumarin ee ku aaddan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo adeegyadiisa, waxaa ay Wasiirka warbixin ka dhageysatay Hay’adda Duulista Rayidka iyo saraakiisha hay’adaha amniga ee ka howlgalka garoonka ee Aadan Cadde.
“ Kulankan wuxuu hortabin u leeyahay hiigsiga horumarin ee garoonka , dhawaana wuxuu garoonkan noqon doonaa mid adeegyadiisa guud iyo amniga ay noqdaan kuwa casri ah oo sarreeya.” Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay.
Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maxamed Cali Cumar , Wasiir ku-xigeenka, Sulub Axmed Firin ayaa sidoo kale waxaa goobjoog u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Cali Gacal Gaabow Maareeyaha cusub ee garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde , Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi , oo lagu soo dhaweeyay kulanka, ku-xigeenkiisa, Maareeyaha Hay’adda Duulinta Rayidka iyo ku-xigeennadiisa..
HOOS KA EEG SAWIRRO
—Dhammaad—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya.
Email: info@motca.gov.so