Ministry of Transport & Civil Aviation

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka & Duulista Hawadda oo kulan la qaadatay xog-hayaha guud ee guddiga duulista hawada Afrika.

Muqdisho 15 September 2022:- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa inta uu socday shirweynihii caalamiga ah ee lixaad duulimaadyada Afrika (Aviation Africa 2022) waxay kulan gaar ah la qaatay Adefunke Adeyem oo ah xog-hayaha guud ee guddiga duulista hawada Afrika (Africa Civil Aviation Commission (AFCAC) waxayna kawada hadleen sidii loo horumarin lahaa nabad galyadda duulimaadyada rayidka ah ee Soomaaliya.
Wasiir Fardowsa waxay sidoo kale la kulantay madaxda ka soctay shirkadda duulimaadyada ee Rwanda Air Yvonne Manzi Makolo oo ay ka dhageysatay warbixin la xiriirta aas aaska iyo marxaladihii ay soo martay shirkadda Rwanda Air, si dawladda Soomaaliya oo hadda ku howlan dib u soocelinta Somali Airline ayna uga faa’iidaysto waayo-aragnimada Rwanda Air.
—DHAMAAD–
Xafiiska warbaahinta iyo Xiriirka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
Email Info@motca.gov.so