Ministry of Transport & Civil Aviation

Wasiiru’dawlaha Gadiidka & Duulista Hawadda oo kulan laqaatay Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubaland.

Muqdisho,15 September, 2022:- Wasiiru’dawlaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS Mudane xildhibaan Maxamed cumar (cananuug) ayaa maanta kulan la qaatay Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Somaliyeed Ee Jubalnad Axmed Maxamrd islaam waxayna ka wada hadleen Xaladaha Dalka.
Wasiiru’dawlaha ayaa yidhi Maanta waxaan salaan iyo is xog waraysi ugu tagay Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubaland Mudane Axmed Maxmed Islaam, Madaxweynaha wuxuu qeyb ka ahaa shirkii kadhacay caasimada Dalka Muqdisho oo u dhaxeeyey DFS iyo Dawlad Goboleedyada Dalka.
Xukuumada Dan Qaran waxaa ka go’an Soomaali heshiis ah Dunidana heshiis la ah. Waxaan Allaah kabaryayaa Dad heshiis ah iyo Dalkeena oo barwaaqa inuu Rabbi nasiiyo aamiin aamiin. Wasiiru’dawlaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Maxamed Cumar (Cananuug) ayaa hadal kiisa ku soo gabagabeeyey.
—DHAMAAD–
Xafiiska warbaahinta iyo xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
Email Info@motca.gov.so