Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:-Wasiirka Gaadiidka oo Duulimaadkii ugu horeeyay ku tagay Galdogob Airport.

Galdogob, 30, July,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md. Duran Axmed Faarax iyo Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah Duulimaadkii ugu horeeyay oo diyaarad rakaab sida ku tagay Garoonka Diyaaradaha Galdogob.
Garoonka Diyaaradaha Galdogob oo dhismihiisu socday 1 sano ee lasoo dhaafay ayaa maanta diyaarada Salaam Air ay samaysay duulimaadkeedii ugu horeeyay ee halkaa ay diyaarad ku tagto. Waxanaa Wasiirka Gaadiidka Safarka ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Agaasimaha Waaxda Xaduudaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya, Maamulkaha Shirkada Salaam Air, Qurba Joog iyo Saraakiil ka socday Wasaarada Gaadiidka.
Soo caga dhigashadii Diyaarada kasoo kicitintay Muqdisho kadib ayaa Boqolaal dadweyne ah Wasiirka Gaadiidka iyo Wafdigiisa kusoo dhaweeyeen Garoonka, waxaana ay sheegeen inay aad ugu Faraxsan yihiin talaabada loo qaaday dhanka horumarka.
Ugaas Cali Ugaas Maxamed oo ka mid ah Isimada Dhaqanka ee Puntland ayaa ugu horayn Bulshada Galdogob ugu Hambalyeey guusha Taariikhiga ah ee ay gaareen, wuxuuna Wasiirka Gaadiidka uga mahad celiyay dedaalkiisii mudadii dhismaha Garoonku socday.
Ugaas Caliayaa Alle ka baryay in mashruucaan uu dhamaystirmo, waxaana dadka deegaanka uu ugu baaqay inay ka qayb galaan.
Duqa Degmada Galdogob Cabdiqafaar Sh Ibraahim ayaa dhankiisa ka warbixiayy marxaladii uu dhismaha Garoonka soo maray. Wuxuuna uga mahad celiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Dadkii shaqada gacanta ku hayay dhabar adaygooda.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maanta ay farxad u tahay, wuxuuna sheegay in Bulshada ay u abaabulayaan sidii ay wada tashi wax walba ugu qabsan lahaayeen.
Cabdinuur Saciid Dheere oo Mashruuca Dhismaha Garoonka gacanta ku hayay ugana wakiil ahaa Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya ayaa hadal kooban uu jeediyay ku sheegay in wajiga koowaad ee Mashruuca uu si wanaagsan kusoo dhamaaday Reer Galdogob gude iyo dibna looga fadhiyo dhamaystirka dhismaha Garoonka, wuxuu Wasiirka Gaadiidka Duran Farah uga mahad celiyay dadaalkiisa iyo mashruuca la taaban karo ee degmada galdogob uu ka hirgaliyay.
Odayaal, Culumo, dhalinyaro hadalo ka jeediyay munaasabada daah furka wajiga koowaad ee Galdogob Airport ayaa soo dhaweeyay in maanta Garoonka ay diyaarad kasoo dagto, waxaana ay intaas ku dareen in tani ay ahayd riyo lagu taamayay 25 sano ee ugu dambeeyay.
Agaasimaha Xaduudaha ee Hay’adfa Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Gaashaanle Fahmo ayaa bogaadisay Horgalinta Galdogob Airpor, waxaana ay sheegtay in Kastamka Duurdibi toos ay hay’adda Socdaalka Soomaaliya uga hawl gasho.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawadd ayaa ka mahad celiyay soo dhawaynta Reer Galdogob u sameeyeen, waxaana uu intaas raaciyay in Garoonka Galdogob sii dhamaystirkiisa ay Dawladda Soomaaliya dadka deegaanka kala shaqaynayso.
Maareeyaha Hay’add Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed Axmed Macalin ayaa dhankiisa cadeeyay in Garoonka qalabka muhiimka ah ee sahlaya shaqadiisa inay sii socoto ay keenayaan ayna tahay waajibaadka Hay’adda Duulista Rayidka ah.
Yusuf Diiriye Haybe ayaa dhankiisa sheegay in uu oofiyay balanqaadkiisii ahaa in diyaarada ugu horaysa uu Galdogob Airport ay Salaam Air ay ku imaanayso, wuxuuna intaas ku saray in duulimaad joogto ah ay Garoonka Diyaaradaha Ka bilaabayaan kaas oo ku xiraya Galdogob Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Ugu Dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS Md. Duran Axmed Faarax ayaa sheegay in maanta meel wanaagsan la joogo Galdogobna ay yeelatay Garoon diyaaradeed oo ay aqoonsan yihiin Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya Hawlaha duulimaadyada.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya ayaa u mahad celiyay cid walba oo oo ka qayb qaadatay in maanta Galdogob Duulimaad toos ah oo Muqdisho kasoo kicitimah kagu yimaado. Wuxuu Maamulka Diyaarada Salaam uga mahad celiyay kaalintooda Safarkaan, isagoona bulshada Deegaanka ugu baaqay in mashruuca ay dhamaystirtaan.
‘’Garoonka Diyaaradaha Galdogob waa garoon Soomaaliyeed, waxaana loo dhisay in loogu adeegi dadka Soomaaliyeed, waxaan rajaynayaa in wax badan uu ka tari doono baahi deegaanka ka jirtay ee dhinaca Isu socodka ahayd’m Ayuu Yiri Wasiir Duran A Farah.
Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Galdogob oo ah mashruucii ugu waynaa ee Galdogob laga fuliyo ayaa imaanaya Xili Bariga Gobolka Mudug ay ka socoto dhismaha Dekada Garacad, taas oo la filayo inay u adeegto Qawmiyadaha kala duwan ee ku nool Dalka Itoobiya, iyadoona sidoo kale la hirgalinayo Kastamka Tuur dibi ee Galdogob kaas oo xariirasha Soomaaliya iyo Gobolka DDS.
DAAWO SAWIRRO
DHAMMAAD

Mohamed Jama 

Communication Director Of  Ministry Of Transport And Civil Aviation

Email Info@motca.gov.so