Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo la kulantay kooxda iskaashiga iyo horumarinta ee ICAO.

Montreal ,September, 30, 2022- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan gaar ah la yeelatay kooxda Barnaamijka iskaashiga horumarinta iyo farsamada ee Hay’adda Duulista Hawada adduunka ee ICAO.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta iyo sidii loo hagaajin lahaa hannaanka maamulka iyo adeegyada Duulista ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo maareeyaha Hay’adda iyo ku-xigeenkiisa ay goobjoog u ahaayeen kulanka.

“Horumarinta iskaashiga kooxdan, wuxuu gacan ka geysanaya dadaallada aan ku dooneyno Hay’adeenna Duulista Rayidka adeegyada iyo maamulkeeda Hawada inuu si dhaqso ah u dhammeystiro hiigsigeenna Hay’adda Duulista Rayidka ee ah hannaanka u sarreeya agab iyo farsamo ahaan.” Wasiir Fardowsa ayaa sidaa sheegtay.

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulama ay ku qaadanayso Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS , magaalada Montreal ee Dalka Canada oo u ka socdo shir weynaha caalamiga ah 41aad ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka (ICAO).

—Dhammaad—

Xafiiska Warbaahinta iyo xiriirka Dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya