Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

UK oo boggaadisay horumarrada Soomaaliya ee Duulista Hawada

Montreal , October, 5, 2022 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa la kulantay agaasimaha Guud ee hay’adda Duulista Rayidka ee Dalka Ingiriiska , Dr. Rannia Leontaridi.

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga adeegyada Duulista Hawada iyo horumarinta wadaaga khibrada iyo tababarada , iyadoo diiradda la saarayo kor u qaadista hannaanka maamulka iyo adeegga ee Duulista Hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulanka ku sheegtay inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballaarinayo iskaashiga caalamka , si nidaamka Hawada sare ee Dalka uu u muujiyo doorkiisa dunidda.

“ Dalkeenna maanta wuxuu jooga halkii uu uga mid noqon lahaa waddamada leh hawada adeegyadeeda iyo maamulkeeda la isku haleyn karo , annagoo ka faa’iideysanayna sida ay hawadeena u tahay goob istiraatiji ah.” Wasiir Fardowsa ayaa sidaa sheegtay.

Agaasimaha Guud