Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo qaabbishay Safiirka Itoobiya

Muqdisho, October, 16, 2022 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabbishay Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya , Amb. Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Kulanka, wuxuu Safiirka Dawladda Itoobiya ee Soomaaliya , Amb. Cabdifataax Sh. Cabdullaahi ka mahadceliyay taageerrada Soomaaliya ee xubinnimada Itoobiya ee guddiga Hay’adda duulista adduunka (ICAO) ee shir weynaha 41-aad ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Montreal.

Waxaa sidoo kale , looga hadlay kulanka horumarrinta iyo ka miro-dhalinta is-afgaradyada la xiriira iskaashiga duulimaadyada iyo Gaadiidka ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale , tababarada howlwadeennada iyo horumarinta agabka ayaa kulanka lagu soo qaaday.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in Dalka Itoobiya uu muhiim u yahay dadaallada lagu horumarinayo Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog u ahaa ku-xigeenka maareeyaha Hay’adda Duulista Mudane Saciid Maxamed.

—Dhammaad—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya