Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka oo la kulantay guddiga shirkadaha diyaaradaha Dalka

Muqdisho, October, 19, 2022- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta kulankii u horreeyay la yeelatay guddiga shirkadaha diyaaradaha Dalka.

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd , xog-wareysi , xoojinta iskaashiga, caqabadaha iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa horumarinta dhinacyada mudnaanta leh.

Wasiir Fardowsa , ayaa xaqiijisay sida ay go’antahay horumarinta iskaashiga shirkadaha diyaaradaha dalka oo ay ku sheegtay inay daruufo kala duwan Dalka ugu soo shaqeeyaan.

“ Maanta waxaan hiigsaneynaa in horumar laga gaaro arrimaha mudnaanta u leh diyaaradaha iyo garoommada,taa oo aan dooneyno si wadajir ah inan uga shaqeyno.” Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay.

Waxaa lagu ballamay kulamo kale , si looga miro-dhaliyo iskaashiga , iyadoo Kulanka ay goobjoog u ahaayeen , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Mudane Cali Gacal Gaabow , Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Mudane Axmed Macallin Xasan , Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Duulista , Mudane Saciid Maxamed iyo Maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle , Maxamed Saciid Cabdullaahi.

—Dhammaad—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya.