Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka oo guddoomisay kulamo duco iyo gurmadka saameynta qaraxyadii Soobe oo ka dhacay xarunta Wasaaradda iyo Hay’adda Duulista

Muqdisho , October, 31, 2022- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa guddoomisay kulamo duco iyo dareenka xannuunka leh lagula qeybsanayay Bulshada Soomaaliyeed ee uu saameeyay qaraxyadii Soobe.

Kulamada ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa boggaadisay dadaallada dhiig shubid iyo ka qeybqaadashada gurmadka socda ee maamulka iyo howlwadeennada , Wasaaradda iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

“Waxaan dhammaanteen la wadaageynaa dareenka muragada iyo xannuunka leh qoysaska Soomaaliyeed ee dhimashada iyo dhaawaca ay ka soo gaartay qaraxdii Soobe iyo kuwii ku hanti beelay.” Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sidoo kale shaacisay in kulamada lagu go’aamiyay si wadajir ah kaalmo dhaqaale oo laga jaro mushaarka maamulka iyo howlwadeennada Wasaaradda iyo Hay’adda Duulista inay kaga qeybqaadan doonaan gurmadka socda.

—Dhammaad—