Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawadda oo maanta kormeeray waaxda Gadiidka Rayidka.

Muqdisho:2/1/2023 Kusimaha Wasiirka Gadiidka iyo Duulista hawada ahnna Wasiiru’dawlaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada (XFS) Mudane Xildhibaan Mohamed Ali Cumar (Cananuug) ayaa maanta kormeeray habsami u socodka shaqada Waxda (PRA) ee Wasaaradda Gadiidka isaga oo mid mid ugalay Xafiisyada kala duwan ee loogu adeego shacabka Somaliyeed.
Agasimaha Waaxda (PRA) Mawliid xusen cumar ayaa uga warbixiyey Wasiirka intii uu ku gudajiray shaqada kormeerka .
Wasiir Cananuug ayaa shaqaalaha Wasaradda usheegay inay ilaaliyaan wakhtiga shaqada soo galista iyo ka bixitaanka Madaama ay Gudanayaan wajib kooda shaqo.
Xukumadda Danqaran ayaa wada dadaaallo lagu hormarinayo shaqada hay’adaha Dawlada waana mida keentay in shaqada lagu kormeero hawlwadeenada Wasaaradda.
Hoos ka eeg Sawirro
DHAMAAD-
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Soomalia
Emil Info@motca.gov.so