Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Agasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka oo soo jeediyey in ay shaqada ku soo laabtaan dadkii fasaxa uga maqnaa Xanuunka Covid:19_awgii.

Muqdisho- june-7 -2022– :Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Soomaliya Md Cali Gacal (Gaaboow) ayaa shqaalaha Wasaaraddda u sheegay inay soo xaadiraan shaqada dhamaan shaqaalaha Wasaarada maadaama Alla Naga ka xeeyey Xanuunkii Saamaynta ku yeeshay Dunida Ee Covid 19.

Agaasime Gacal ayaa xusay in ay dhawaan ka heleen Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada (XFS) nuqul ka mid ah in dhamaan
hay”adaha Dawlada dib u hawlgaliyaan shaqaalaha Dowlada xili uu dabar go’ay musiibadii Covid 19.

Dhanka kale Agaasimaha ayaa sheegay in qof walba Subax iyo Galaba laga rabo Suul saarista (finger print) oo ay si toosa ula soconayaan Gudiga shaqaalaha (Rayidka) Dawlada sidaa darteed isla xisaabtanka shaqada uu si toosa u hooystagayo Gudiga Qof walbana shaqadiisa ilaa shado.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa wada dadaalo lagu hormarinayo hanaanka shaqo madaama ay bixiso adeeg dadwayne oo mihiim ah Qaranka.

Daawo Sawirro

(Dhamaad)

Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada.
Fah,Faahin/info@motca.gov.so nfo.motca@gmail.com/

Hoyga