Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Agasimaha Wasaaradda Gadiidk iyo Gudomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka oo ka wada hadlay xoojinta shaqada.

Muqdisho_21_June_2022: Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada (XFS) Ali Ga’al Gabow xafiiskiisa ku qaabilay Gudomiyaha Gudiga Shaqaalaha (Rayidka) Dawlada Xasan Abshiraw maxamed.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay fulinta nadaamka shaqaalaha oo ay ugu horayso isla xisaabtan iyo dhamaan in shaqaaluhu soo xaadiraan wakhtiga loo qorsheeey shaqada sida subaxdii iyo Galabkii ay maraan suul saarka oo ah nadaam Electronic ah oo lagu ogaanayo qofkii Gutay wajibaadkiisa shaqo iyo kii aan gudan intaba.

Agasime Ali Ga’al Gabow ayaa uga warbixiyey Gudomiye abshiraw inay dhamaan shaqalaha la socod siiyeen ku soo noqoshada Shaqada madaama uu dhamaaday xanuunkii Covid:19 oo isaga awgii ay shaqaale badan ugu maqnaayeen shaqada, Gudomiyaha ayaa dhankiisa uga mahad celeyey Madaxda Wasaaradda Gadiidka iyo shaqaalaha qaadashada iyo ku dhaqanka awaamiirta Gudiga shaqaalaha.


Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada

Email: info.motca@gmail.com
Info@motca.gov.so
Motca@.gov.so/so