Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

DAAWO:- Ku-simaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS oo la kulmay Shaqaalaha Wasaarada.

Kusimaha Wasiirka Gadiidka iyo Duulista hawada XFS Ahnna Wasiiru’dawlaha Wasaaradda Mudane Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Cananuug) oo la kulmay maanta Shaqaalaha Wasaaradda Gadiidka kalana hadlay Dar-dar galinta Shaqada waxaana uu digniin kama dambaysa udiray shaqaalaha aan Waraaqda fasaxa haysan ee maqan.
Wasiirka ayaa sheegay inay fulinayaan amarkii Madaxwaynaha Dalka Mudane Xasan shekh Maxamuud iyo Raysalwasaaraha Qaranka Xamze Cabdi Barre ee ahaa isla xisaabtanka Shaqada waxaan uu wasiir cananuug umahad celiyey Shaqaalaha Gudanaya Waajib’kooda duruuf kasta oo haysata aan ka baaqsan inay Xaadirinta shaqada .
Hoos ka Daawo Muuqaal.
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Soomalia
Emil Info@motca.gov.so