Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo u dabaaldegtay maalinta caalamiga ah ee Duulista Rayidka

Muqdisho, December, 7, 2022- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta caasimadda Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusay maalinta caalamiga ah ee Duulista Rayidka, oo sannad walba dunidda laga xuso 7 bisha December.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka shaqo ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo qorshaheeda horumarin, iyadoo ay goobjoog u ahaayeen Mas’uuliyiin ka socday Golaha Hay’adaha Dawladda Federaalka, Safiirrada caalamka u fadhiya Muqdisho , guddiga shirkadda diyaaradaha Dalka, kuwa caalamiga ah iyo marti kale.

Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Duulista Rayidka (SCAA), Mudane Saciid Maxamed Xuseen ayaa ugu horreyn munaasabadda ku soo dhaweeyay ka soo qeybgalayaasha, isagoo sheegay inay maalintan mudnaan gaar ah u leedahay Hay’adda Duulista Rayidka.

Safiirrada waddamada Ingiriiska, Uganda, Itoobiya iyo wakiillo ka socday , dalalka Marekanka, Turkiga iyo Qatar oo goobjoog u ahaa munaasabadda , ayaa dhankooda xaqiijiyay sida ay uga go’antahay xoojinta iskaashiga Soomaaliya ee dhinacyada duulimaadka , iyagoo si isku mid ah u boggaadiyay horumarrada Soomaaliya ay ka sameysay dhinaca Duulista Hawada.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa munaasabadda ku soo bandhigay soo jeedin la xiriirtay, marxaladaha ay Hay’adda soo saartay, guulaha la gaaray iyo hiigsiga oo u ku sheegay in dhawaan qorshuhu yahay sidii Soomaaliya ay u uga mid noqon lahayd dalalka ugu horreeya ee dhinaca Duulista Hawada iyo bed-qabka garoommada.

“ Soomaaliya sannadkan wuxuu u noqonaya sannadkii Duulista Hawada.” ayuu ku daray Maareeyaha Guud,Axmed Macallin.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dood-wadaag diiradda lagu saaray horumarinta Duulista Hawada , iyadoo dhinaca kale abaal-marino la guddoonsiiyay waddamada , ururrada iyo shirkadaha sida dhow gacanta ugu geystay horumarinta Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed.

Gabagabadii, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa soo xirtay munaasabadda , iyadoo xaqiijisay sida ay Dawladda Soomaaliya uga go’antahay horumarinta Duulista Hawada . Wasiirka ayaa sidoo kale ucu hambalyeeysay Hay’adda Duulista Rayidka (SCAA), hoggaanka iyo howlwadeennada maaalinta caalamiga ah ee Duulista Hawada.