Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo ka qaybgalay Xarig jarka Xarunta Cusub ee Taraafikada(Sawirro).

Mogadishu 30,May, 2022:- Waxaa Maanta Xaflad kooban ay ka dhacday Xarunta Ciidanka Ilaalada Wadooyinka taas oo lagu soo kordhiyay Dhisme cusub oo maanta la daah furay.

Waxaa Munaasabadaan kooban ka qaybgalay Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadidka iyo Duulista Hawadda, Saraakiil ka socda laamaha Taliska Ciidanka Ilaalada Wadooyinka iyo Marti Sharaf kale.

Masuuliyiintii ka qaybgalay Munaasabada ayaa ku amaanay Taliska Ilaalada Wadooyinka shaqada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, waxaana ay sheegeen in furisya Xaruntaan ay wax badan ka badali doonto habkii ay u socon jirtay shaqooyinka Bulshada loo hayo.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Khadar Cabdullaahi Aden ayaa Bogaadiyay Wada shaqaynta Ciidanka Ilaalada wadooyinka iyo Wasaarada Gaadiidka wuxuuna intaas ku daray inay sii xoojinayaan Shaqooyinka ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

DAAWO SAWIRRO




DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Somalia.