Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Gadiidka ahna Wasiir ku-xigeenka oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Dawlada Imaraadka Carabta.

Muqdisho, September 13, 2022 – Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Sulub Axmed Firin ayaa maanta Ku soodhoweeyey Garoonka Aden Cadde ee muqdisho Wafdi ka socday waxaada Civil aviation ka Dawladda Imaaraadka Carabta oo uu hogaaminayey Safiirka i
Imaaraadka u fadhiya Dalka.
Ujeedka Wafdigan ayaa ahaa sidii ay duulimaad uga bilaabi lahayd shirkadaha duulimaadyada ee ee Dawlada Imaaraadka taa soo ah Dubai iyo Mogadishu.
Wafdiga ayaa ku qancay amniga garoonka Aadan Cadde ka dib kormeer ay ku tageen qaybo ka mid ah Garoonka Caalamiga ah ee aden cade international Airports.
Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Gadiidka Mudane Sulub Axmed Firin ayaa sheegay inay soodhowaynayaan diyaarna u tahay Wasaaradu hormarka iyo bilaabida duulimaadka Dubai iyo Mogadishu.
Kulanka ka dib ayaa Wasiir Kuxigeenku Wasaaradu kormeer shaqo ah ku tagey Qaybo badan oo ka mid ah Garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho.
Wasiir ku-xigeenka ayaa inta uu kormeerka ku jiray wuxuu tegey xafiisyada iyo goobaha kale ee adeegyada socdaalka laga bixiyo ee Garoonka diyaaradaha, isagoo halkaa warbixinno la xiriirta howlaha Shaqo ka dhageystay mas’uuliyiinta Garoonka.
Wasiirka Sulub ayaa boggaadiyay howlaha shaqo ee Garoonka, isagoo markaa sheegay in Dawladda ay ka go’antahay horumarinta Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Inta uu kormeerka ku jiray Wasiir ku-xigeenku waxaa wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Ali Gaal Gabow , ku-xigeenka maareeyaha hay’adda Duulista Mudane Said Mohamed, Maareeyaha Garoonka Mudane Cabdinaasir Maxamuud Gurey iyo ku-xigeenkiisa Aidrus Ahmed Kaahiye.
—Dhammaad-
Xafiiska warbaahinta iyo xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka
Emil Info@motca.gov.so