Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Sawiro:-Kulamo isdaba joog ah oo Maalmahan u socdey Mas’uuliyiin Wasaarada Gadiidka iyo Taliska ciidanka ilaalada wadooyinka.

Muqdisho,19,June.2022:- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada (XFS) Mudane ALi Gaal Gabow iyo Taliyaha Ciidanka Wadooyinka Genaral Bishaar Abshir Geedi 

Iyo Agaasimaha Dakhliyada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdi Muxidiin.

Kulumadan oo Hadafka iyo Ujeedkoodu ahaa Hubinta Shuruucda Gaadiidka Rayidka iyo Badqabkooda iyo Sida ugu fudud ee looga wacyi galin karo Bulshada Dhowrista Shuruucda Iyo sida loo yareyn karo Saxmada badan ee Gadiidka.

Ugu dambayn waxa ay masuuliyiintu kormeereen xarunta Taliska Cidanka Taraafikada (Genaral) Bishaar abshir geedi ayaa masuuliyiinta mid mid utusay Xafiisyo hor leh oo laga Hirgaliyey Iyo isbadal qurux badan oo ka muuqada xaruna Ciidanka ilaalada wadooyinka.

Agaasimaha Ali Gaal Gabow ayaa ugu mahad celiyey kulamadan masuuliyiinta waxaana lagu balamay in barina uu dhacayo kulan lagu soo afmeerayo shirarka u socday maalmahan Wasaaradda Gadiidka iyo Taliska ciidanka Taraafikada.

Kulankan ayaa Ugu danbeyn ku soo dhamaadey Guul iyo Is afgarad.

DHAMAAD
XAFIISKA XIDHIIDHA IYO WARBAAHINTA EE WASAARADDA GAADIIDKA
E:mail info@.gov.so
Info.motca@gmail.com
Motca@.gov.so/so