Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka oo la kulmay Taliska Ilaalada Wadooyinka.

Muqdisho,18, June, 2022:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada (XFS)
Cali Gacal (Gabow) ayaa maanta kulan laqaatay Taliya ciidanka Taraafikada Genaral Bishaar abshir geedi.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray sida la iskaga kaashan lahaa hawlaha hortabinta u leh shaqooyinka ka dhaxeeya Wasaaradda iyo Taliska ilaalada wadooyinka.
Genaral Bishaar ayaa intii uu kulanku socday soo bandhigay muqaalo laga diyaariyey Gadiidka mara wadoooyinka iyo dadaalada lagu hormarinayo shaqooyinka taliska madaama la rabo in la iska kaashado arimaba la xidhiidha Gaadiidka dadwaynaha.
Agaasimaha Guud Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Ali Gaal (Gabow) ayaa dhankiisa uga mahad celiyey sida ay hadh iyo habeen ugu taaganyihiin wajibaadkooda shaqo waxa uu xusay in ay diyaar u tahay Wasaaradu xalinta caqabd kasta oo jirta dhanka.Gadiidka.
Daawo Sawirro
Dhammaad.
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya
Email:- Info@motca.gov.so