Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo kormeeray Tababar u socda qayb ka mida shaqaalaha Wasaaradda.

Mogadishu 19,June,2022:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Md Cali Gacal Ayaa maanta kormeeray tababar u socda qayb ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda.

Tababarka oo la xariira kor u qaadista Aqoonya Shaqaalaha Wasaarada ayaa waxaa fulinaya Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Gaadiidka, waxaana uu kusoo beegmay xili baahi wayn loo qabay.

Agaasimaha Guud ee Waaaaradda Gaadiidka Md. Cali Gacal aya kula dardaarmay Shaqaalaha inay ka faa’iiidaystaan Aqoon iswaydaarsiga,

Wuxuu sheegay Agaasimuhu in aqoonta ay korarsadaan Shaqalaha ay uga Faa’iideeyaan Shaqalaaha kale ayna si huffan ugu adeegaan Shacabka Soomaaliyeed ee adeegyada usoo doonanaya Wasaaradda Gaadiidka.

DAAWO SAWIRRO

Dhammad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka Dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya.

Email:- Info@motca.gov.so