Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo la kulmay Hoggaanka Naadiga Gaadiidka.

Muqdisho, 04, July,2022:- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Kooxda Gaadiidka FC oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka.
Kulanka Waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaarada,iyadoona diirada lagu saarayay kor u qaadista Wada shaqaynta Naadiga Gaadiidka iyo Waaaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa warbixin looga dhagaystay Maamulka Naadiga Gaadiidka, iyagoona sheegay in ay wasaarada uga mahad celinayaan sida ay u barbar taagan tahay marwalba.
Waxay intaas ku dareen in guulo la taaban karo ay ka keenayaan Ciyaaraha ay ka qaybgalaan.
Ugu dambayn Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Cali Gacal ayaa ku amaanay dadaalkooda,wuxuuna sheegay in ka wasaarad ahaan ay barbar taagan yihiin Maamulka iyo Ciyaartooyda naadiga Gaadiidka.
Daawo Sawirro
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka Dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya
Email:- Info@motca.gove.so