Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:- Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Galdogob oo meel wanaagsan maraya.

Galdogob, 02,June,2022:-Waxaa Meel wanaagsan Maraya Dhismaha Garoonka Diyaaraha Galdogob kaas oo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duran Farah uu bilaabay dhismihiisa.

Dhismaha Garoonka oo si xawli ah ku socday Bishii lasoo dhaafay ee May ayaa haatan maraya dhismaha Wadada diyaaraduhu ku ordaan, waxaana Hawlwadeena Garoonka ay Xafiiska Warfaafinta Wasaarada Gaadiidka u sheegeen inay mashruuca sidii loogu talo galay uu u socdo.

Waxay Bulshada Deegaanka iyo Maamulka Degmada uga mahad celiyeen garab istaagooda Garoonka dhismihiisa, iyagoona intaas ku daray in kaalintii looga baahnaa ay qaateen.

Dhismaha Garoonka Diyaaraha Galdogob waa mashruucii ugu waynaa oo degmada ka fula, waxaana uu wax badan ka tarayaa isu socodka Gobolka Mudug iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

DAAWO SAWIRRO



Dhammaad

Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Somalia.