Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:- Wasiirka Cusub ee Gaadiidka iyo duulista Hawadda oo xilka la wareegtay.

Muqdisho,09,AUG,2022:- Wasiirka Cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Mw. Fardowso Cismaan Cigaal oo ay weheliyaan Wasiir Kuxigeenka Gaadiidka Sulub Axmed Fidhin iyo Wasiir dowlaha Wasaarada Maxamed Cali Cumar ayaa maanta oo talaado ah si rasmi ah xilka ugala wareegay Wasiirkii Hore Md Duran Axmed Faarax.
Munaasabad lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaarada ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisulwasaare kuxigeenka dalka, Wasiiro, Xildhibaano iyo hawlwadeenada wasaarada ayaa si rasmi ah xilka loogu wareejiyay Hoggaanka Cusub ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda.

Ugu horayn Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Cali Gacal ayaa soo dhaweeyay marti sharaftii munaasabada ka qayb galaysay, wuxuuna uga mahad celiyo soo ajiibitaankooda xil wareejinta.

Intaas kadib waxaa si rasmi ah loo guda galay xilwareejinta, iyadoona Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaadiidka Duran Farah uu soo bandhigay waxyaabihii u hirgalay mudadii uu wasaarada hoggaaminayay.
Wuxuu sheegay in shaqooyinka Wasaarada horyaal ay u qabteen sida hor tabinta leh, waxaan ku rajo wayn nahay in lasii ambaqaado dedaalada Wasaarada Gaadiidka ee ku jihaysan horumarinta.
Dhanka kale Wasiirka Cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaa balan qaaday in Wasaarada wax badan ay ka qaban doonto, waxayna intaas ku dartay in si dhow ay wada shaqaynayaan Shaqaalaha Wasaarada oo laf dhabar u ah shaqada socota.
Marwo Fardowso ayaa bogaadisay shaqooyinka socda, iyadoona kormeer kusoo martay saaka qaybaha kala duwan ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda.
Ugu dambayn Ra’iisulwasaare kuxigeenka Dalka Md. Saalax Jaamac ayaa hadal uu jeediyay ku boggaadiyay waxqabadka wasiirkii hore, wuxuuna sheegay in uu hambalyaynayo Hoggaanla Cusub ee Wasaarada la wareegay.
Md. Salaax ayaa kawaramay muhiimada ay leedahay wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada wuxuuna sheegay in shaqada Wasaaradda oo kor loo qaado ay tahay muraayadii dalka oo la hagaajiyay maadaama ay xukunto GaroomadaDiyaaradaha oo ah albaabka dalka laga soo galo.
DAAWO SAWIRRO
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyi xariirka dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya
Email Info@motca.gov.so