Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:- Wasiirka Gaadiidka & Duulista hawadda oo la kulmay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya.

Mogadishu,12,April,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md Duran axmed faarax ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Mengiste iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Dalka soo gaaray.

Kulanka Waxaa ka qaybgalay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee soomaaliya Axmed Macalin Xasan iyo saraakiil kale, waxaana looga hadlay Iskaashi dhexmara labada Hay’adood ee Duulista Rayidka ah u qaabilsan Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ah Md Duran Farah ayaa sheegay in muhiimad ay u leedahay iskaashiga Duulimaadyadda Rayidka iyo Horumarintiisa, waxaana intaas uu ku daray in ka Soomaaliya ahaan Xariirada Hay’adda duulista rayidka ee Caalamka uu kor u kacay tan iyo markii maamulka hawadda ay Soomaaliya lasoo wareegtay.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya Gatachow Mengiste ayaa dhankiisa uga Mahad celiyay Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya sida ay usoo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in kulamada noocaan ah ay kor u qaadayaan Iskaashiga labada Hay’adood iyo Isdhaafisga khibradaha Shaqo.

DAAWO SAWIRRO

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Somalia.