Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo xariga ka jirtay Galdogob Airport.

Galdogogob,09,November,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Maanta ooArbaco ah xariga ka jartay Garoonka Diyaardaha Galdogob oo lagu hirgaliyay hab isku tashi ah.

Xaflada Xarig jarka waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya,Wasiiro ka socday Maamul Goboleedyada Dalka, Xildhibaano Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka, Maareeyaha iyo Maareeye kuxigeenka Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed iyo marti sharaf kala duwan.

Cabdinuur Saciid dheere oo gacanta ku hayay dhisamaha Garoonka ayaa ugu horayn faah faahin ka bixiyay Garoonka dhismihiisa iyo shaqooyinka u dhiman, wuxuuna ku baaqay in loo guntado dhamaystirkiisa.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay cid walba oo kaalin ka qaadatay dhismaha Garoonka, wuxuuna sheegay in uu wali dhamaystirnayn uuna rajaynayo in deg deg loo dhamaysturo waxyaabaha u dhiman, wuxuu sidoo kale intaas raaciyay in doorka dawladda Puntland loo baahan yahay maadaama dadka deegaanku ay isku tashi halkaas kusoo gaarsiiyeen.

Ugu dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa soo madasha ka sheegtay in ka wasaraad ahaan ay keneen qalab muhiim u ah shaqada Garoonka, soolarka cadceeda ee iftiinka u noqonaya Garoonka iyo sidoo kale in ay wareejinayaan Dhismah taawar Casri ah kaas oo lagu raki bi doono qalanka Garoonku ku shaqayno.

Sidoo kale Wasiirka ayaa dhagax dhigtay wajiga labaad ee Garoonka, waxayna sheegtay in dhamaystirkiisa ay dadaal badan galinayso, iyadoona dhanka kale Bulshada Galdogob ku bogaadisay isku tashigooda iyo dadalka ay galiyeen dhismaha Garoonka Galdogob.

HOOS KA EEG SAWIRRO

DHAMMAAD