Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo maanta Kormeer ku Tagtay Garoonka Aden Cabdulle.

Muqdisho,13, Agoosto,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaa Maanta Kormeer Shaqo ku tagtay garoonka diyaardaha Aden Cabdulle iyo Iskuulka Aviation ee Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Waxaa kormeerka ku wehelinayay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Md. Maxamed Cali Cumar, Wasiir ku-xigeenka Md. Sulub Axmed Fidhin, Agaasimaha Guud ee Wasaarada, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah Maareeyaha Garoonka Aden Cabdulle, iyo Saraakiil kale.

Kormeerka Shaqo ayaa intii uu socday Wasiirka iyo xubnaha ku weheliyay kormeerka waxay u kuurgaleen sida ay u socoto Shaqada Garoonka Aden Cabdulle oo ah kan dalka ugu wayn, waxaana ay warbixin ka dhagaysatay qaybaha kala duwan ee maamulka Garoonka.

Saraakiisha Garoonka ayaa soo gudbiyay baahiyaha Garoonka iyo Qorshayaal lagu horumarin karo shaqada socota, waxaana Wasiirka shir kooban ay la qaadatay masuuliyiinta Garoonka ka dhagaystay warbixintooda, iyadoona uga mahad celisay shaqada Qaranka ay u hayaan.

Wasiir Fardowso Cigaal ayaa sheegtay inay ka go’an tahay dardar galinta Shaqada Wasaarada Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.

DAAWO SAWIRRO

Dhammaad

Xafiiska Warbaahinta iyo Xariirka dadwaynaha ee WGDH.

Email: Info@motca.gov.so