Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS oo soo dhaweeyay Wafdi ka socda Kenya.

Mogadishu,08, June, 2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaali Md. Duran Axmed Faarax ayaa maanta Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aden Cabdulle kusoo dhaweeyay Wafdi ka socda Kenya.

Wafdiga ayaa waxaa Hoggaaminayay Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kaama kuunji, waxaana wafdigaan ay ka koobnaayeen Diblamaasiyiin iyo Ganacsato Soomaaliyeed, iyadoona Muqdisho ay u yimaadeen ka qaybgalka Xaflada Caleemo saarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday 15 May 2022.

Ugu horayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Md. Duran Farah ayaa kusoo dhaweeyay wafdiga Muqdusho, wuxuuna Ganacsatada Soomaaliyeed ee wafdiga qaybta ka ahaa uu ugu baaqay in dalka ay maal gashadaan.

Xildhibaan Yusuf Xasan ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee Muqdisho loogu soo dhaweeyay,wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay hana qaadka dawladnimada Soomaaliya.

DAAWO SAWIRRO

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA GAADIIDKA IYO DUULISTA HAWADDA SOOMAALIYA.

EMail:- Info@motca.gov.so