Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:- Wasiirka Gaadiidka oo galabta Daawaday Ciyaartii Kooxaha Gaadiidka iyo MMC.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md. Duran Axmed Faarax ayaa galabta Garoonka Kubada Cagta ee Eng Yariisow ku daawaday kulanka Kooxaha Gaadiidka iyo MMC oo ciyaarayay Kulan ka mid ah Horayaalka Dalka.
Ciyaarta ayaa waxaa usoo daawasho tagay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka , Xubnaha Gudiga Boorka Naadiga Gaadiidka, Masuuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dadwayne ka kala yimid degmooyonka Gobolka Banaadir.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ayaa ku dhiiri galiyay Ciyaartooyda Kooxda Gaadiidka in Sanadkaan looga fadhiyo guulo la taaban karo in Horyaalka dalka ay ka keenaan, waxaana kulankii ugu horeeyay ee Kooxda Gaadiidka 2 iyo 1 ku garaaceen Kooxda MMC oo matasha Dawladda Hoose ee Xamar.
Wasiirka Gaadiidka Md. Duran Farah ayaa ugu Hambleeyay Ciyaartooyda iyo Maamulka Kooxda guusha ay ka gaareen kulankii galabta.
Ugu dambayn Wasiirka Gadiidka Gudiga Boorka Naadiga Gaadiidka oo dadaal badan galiyay tayaynta Kooxda ayuu ku amaanay shaqadooda.
Daawo
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya
Email:- Info@motca.gove.so