Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Sawirro:- Wasiirka Gaadiidka oo la kilmay Gudiga Boorka Naadiga Gaadiidka iyo Hay’adaha Taageera.

Muqdisho 05, July,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md. Duran Axmed Faarax ayaa maanta kulan la qaatay Gudiga Boorka Naadiga Gaadiidka, Maamulka Naadiga Gaadiidka, iyo Hay’addaha kala duwan ee taageera.
Shirkaan ayaa lagu lafa guray Taageerada Naadiga iyo sidii loo horumarin lahaa, waxaana lasoo bandhigay xisaab celinta kharashaadkii lagu taageeray Naadiga Gaadiidka, waxaana lamisla qaatay in lasii laba jinaaro taageerada Naadiga.
Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya md Duran Farah ayaa u mahad celiyay Hay’adaha kala duwan ee taageera Naadiga, isagoona u booriyay in guulo ay la keenaan horyaalka bilaamay.
Daawo Sawirro
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyi Xariirka Dadweynaha ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya.
Email:- Info@motca.gove.so