Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:- Wasiirka Gaadiidka oo la kulmay Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya.

Muqdisho, 21,July,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md. Durran Axmed Faarax ayaa Maanta la kulmay Danjiraha Dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Larry André.
Kulanka waxaa Goob joog ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin iyo Saraakiil ka socotay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, waxaana looga hadlay Taageerada Dawladda Maraykanka ee Hay’adda Duulista Rayidka ah.
Danjire André ayaa balan qaaday inay Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya ay ka caawinayaan horumarinta shaqada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana dhinaca Amniga (Aviation security) oo baahi wayn ah u qabto dawladda Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Md.Duran Farah ayaa ka Mahad celiyay taageerada Dawladda Maraykanka ee Hay’adda Duulista Rayidka, Isagoona adkeeyay muhiimada ay ka wasaarad ahaan u leedahay horumarinta Hay’adda Duulista Rayidka ah.
Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay lasoo wareegtay Maamulka Hawadeeda dadaal ugu jirta inay la jaan qaado tignoolajiyada Maamulka Hawadda si ay u ilaaliso badqabka Rakaabka iyo diyaaradaha isticmaalaya Hawadeeda.
Daawo Sawirro
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka dadwaynaha ee Wasaarada Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya
Email:- Info@motca.gov.so