Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:- Wasiirka Gaadiidka XFS oo ka qayb galay Kulan Ciyaareed lagu Xasuusanayay AUN Eng Yariisow.

Muqdisho, 01, Aug,2022:- Wasiirka Gaadiidka ee Xukuumadda Soomaaliya Md. Duran Axmed Faarax ayaa galabta Garoonka Kubbadda Cagta ee Eng Yariisow ee Muqdisho uga qayb galay Ciyaar lagu Xasuusanayay Naxariistii Jano Alle Ha siiyee Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) Duqii Hore ee Caasimada Muqdusho kaas oo lagu dilay Qarax isagoo ku jira Shaqada Qaranka.
Kulan Ciyaareedkaan oo sadexdii sano ee ugu dambaysay lagu Xasuusanayay Geerida Eng Yariisow ayaa Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed sheegeen in sanadka dambe lasii ballaarin doono.
Maxamed Cabdiraxmaan oo ah Wiilka Alle ha u Naxariiistee Eng Yariisow ayaa ka mahad celiyay sida looga soo qaybgalay Ciyaarta galabta oo ay ciyaarayeen Naadiyada Madbacadda iyo MCC oo labada uu kaalin muhiim ah kasoo qaatay Eng Yariisow dib u hawlgalintoodii xiliyadii uu ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Duqa Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya Md Duran Axmed Faarax ayaa hadal uu ka jeediyay madasha ka hadlay ayaa xusay in marna xasuusta uusan ka baxayn AUN Cabdiraxmaan Cumar Cismaan uuna dalkaan usoo adeegay wakhtiyo kala duwan.
Wuxuu intaas raaciyay in Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya iyo Cid walba oo hawshaan isku xilqaantay uu u mahad celinayo, isagoona intaas ku daray in Qof walba oo Qaranka u adeega sidan loo Xasuusan doono.
Wasiirka Gaadiidka ayaa ku baaqay in la xoojiyo Ciyaaraha noocyadooda kala duwan, isagoona sheegay in kor ay u qaadayaan Isdhexgalka iyo Nabada Dalka.
DAAWO SAWIRRO
Dhammad

Mohamed Jama 

Communication Director Of  Ministry Of Transport And Civil Aviation

Email Info@motca.gov.so