Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Soomaaliya oo maanta gaartay heerka u sarreeya ee maamulka iyo adeegga hawada

Muqdisho , September, 21, 2022 – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray adeegga duulista hawada Soomaaliya oo horumarin lagu sameeyay, lana gaarsiiyay heerka ugu sarreeya (Category A) ee lagu qiimeeyo adeegga hawada caalamka.

Hannaankan ayaa dalka gaarsiiyay inuu ka mid noqdo waddamada ugu sarreeya ee maamulka iyo adeegga hawada.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee maamulka Hawada Dalka uu soomaray, ayaa sheegay in maanta la joogo xilli Dalka uu ka mid noqday kuwa u sarreeya ee adeegga Hawada sare , howlwadeenno Soomaali ah oo khibrad sare u leh iyo qalab tayo sarreeya inay ku howlgalayso xarunta Hay’adda Duulista Rayidka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu hambalyeesay guushan taariikhiga ah ayaa xaqiijisay inay xoojin doonto dadaallada lagu horumarinayo Hay’adda Duulista Rayidka.

“ Tani waa bilowga hiigsigeena, waxaan dadaal gelinaynaa inaan xoojino tayada iyo awoodda Hay’adda Duulista Rayidka oo mudnaan u leh qaranka.” Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay.

Ra’isul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey munaasabaddda xarig-jarka oo ka dhacday xarunta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda heerkan maanta la gaaray u leedahay horumarka dalka iyo guud ahaan dib u habeynta casriga ah ee adeegga hawada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa xusay in horumarinta lagu sameeyay adeegga hawada dalku uu keenayo kobac dhaqaale oo ka qeyb qaadanaya horumarka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee uu qaranku hiigsanayo, waxaana uu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay guusha laga gaaray hagaajinta adeegga duulista hawada dalka.

— Dhammaad—