Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Soomaaliya oo uga faa’iideysanaysa horumarinta Duulista Hawada shir weynaha ICAO

Montreal , September, 28, 2022 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay shirka caalamiga ah ee Hay’adda Duulista adduunka ICAO oo maalintii labaad ka socda magaalada Montreal, Canada , inay Soomaaliya u tahay fursad ay uga faa’iideysanayso horumarinta Duulista Hawada.

Shirkan oo ah fadhiga 41-aad ee shir weynaha ICAO waa madasha ugu ballaaran ee dunidda ay ku gaarto qorshahayaasha mustaqbal ee Duulista Hawada.

“Dalkeenna wuxuu wali ku jira hannaanka horumarin, shirkaanna waa mid ka mid ah waddooyinka aan ku dooneyno inan dunidda ugu soo bandhigno dadaalladeenna iyo doorka xooggan ee Soomaaliya .” Wasiir Fardowsa ayaa sida sheegtay.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijisay , dadaallada la sameeyay inay horseedeen Soomaaliya inay mudnaan gaar ah ka hesho caalamka.

Shirka 41aad ee ICAO, ayaa waxaa ka qeybgalaya wafuud gaaraysa illaa 300, kuwaa oo ka socda waddamada, ururada iyo hay’adaha dalalka 193 waddan ah ee xubinta ka ah ICAO.

—Dhammaad—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka dadwaynaha ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya.