Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

WAREEGTO:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo magacowday gudiga ka talo bixinta dib u hawlgalinta Soomaali Airlines

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Fardowsa Osman Egal ayaa maanta magacowday gudiga dib u hawlgalinta Soomaali Airlines.

Dib u hawlgalinta Soomaali Airlines ayaa Soomaaliya uga dhigan guul wayn, iyadoona 30 sano ee u dambaysay ay hawlgab ahayd diyaaradu taas oo meesha ay ka saareen dagaaladii Sokeeye ee dalka ka Qarxay.