Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Warsaxaafadeed:-”Amniga Duulimaadyadda Gudaha wax khatar ah kama jiraan”WGDH.

Mogadushu, 18, June, 2022:- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Waaxda Hay’adda Duulists Rayidka waxay masuul ka tahay badqabka dhamaan duulimaadyadda iyo Garoomada Dalka, iyadoo ka duulaysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba ( SOMCARS).
HDRS waxa ay halkaan ku cadeyneysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duuliyaadyada dalka gudahiisa ah.
Hay’addu waxba kama oga warqada lagu baahiyay baraha bulshada ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022 kuna taariikhaysan 18th June 2022 Iyo khatarta ay kahadlayso.
DHAMMAAD
Xafiiska Xariirka Dadwaynaha iyo Warfaafinta Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya
Email:- Info@motca.gov.so