Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiir Gadiidka XFS Duran Farah oo furay shir ku saabsan jadwalka diyaaradaha ka howlgala Garoonka Aadan Cabdulle.

Muqdisho25, May, 2022:-Wasiirka Wasaaraddda Gadiidka iyo Duulista hawada Dawlada Faderalka Somail Duraan Axmed farax ayaa furay shir looga hadlayey Jadwalka Diyaaradaha Garoonka Muqdisho ee Adan cade international (Airport) oo ay ka soo qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Cali Gacal (Gabow, iyo Agasimaha  Hay’adda Duulista (Rayidka) Ahmed Moallin Hassan, kaasoo dib u qiimeeyn loogu sameeynayay howlaha iyo jadwalka diyaaradaha ka howlgala Garoonka Aadan Cabdulle,.

waxaana aad loo faaqiday caqabadaha lala kulmay mudadii uu jiray jadwaleynta duulimaadyada Diyaaradaha (Slot allocation) iyo sida xal loogu helo karo.

Ugu dambeeyn waxaa la go’aamiyay in Hay’ad walba fuliso qeybta kaga aadan fududeynta howlaha duulimaadyada iyo isku socodka dadka dhoofaya ama soo dagaya.

Daawo Sawirro

Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada.
Fah,Faahin/info@motca.gov.so/info.motca@gmail.com/

Hoyga