Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista Hawada heer Federaal iyo dawlad-gobolleedyada oo shir uga furmay Muqdisho

Muqdisho , November, 6, 2022 – Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo Dawlad-gobolleedyada ayaa maanta shir uga furmay Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal oo shirka furtay ayaa sheegtay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga , wada-shaqeynta, horumarinta iyo mideynta siyaasadaha iyo shuruucda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

“Muhiimad gaar ah ayuu shirkan u leeyahay qorshaha aan ku joojineyno iskaashigeenna, si aan uga miro-dhalino , hiigsiga aan ku dooneyno dalkeenna inuu yeesho siyaasado iyo shuruuc mideysan.” Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay.

Shirkan oo ah midkii u horreeyay oo sannado kaddib ay yeelanayaan wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo Dawlad-gobolleedyada ayaa socon doonaa muddo saddex maalin ah , iyadoo warmurtiyeed laga soo saari doono.

—Dhammaad—