Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo maanta booqatay xarunta Hay’adda Duulista Rayidka

Muqdisho, October, 20, 2022 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta booqatay howlwadeennada Hay’adda Duulista Rayidka oo ku guda-jiray howlahooda shaqo.

Booqashadan ayaa ujeedkeedu ahaa, inay Wasiirka la wadaagto howlwadaannada hambalyada maalinta hagayaasha adduunka oo dunidda maanta oo kale laga xuso,iyadoo sidoo kale boggaadisay howlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan.

“ Waxaad qarankeenna u tihiin udab-dhaxaad.” ayay u sheegtay Wasiir Fardowsa oo intaa ku dartay inay go’antahay sidii Hay’adda Duulista Rayidka loo xoojin lahaa dadaallada lagu horumarinayo.

Booqashadan waxaa ku weheliyay Wasiirka , Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macalin Xasan.

—Dhammaad—
Xafiiska warbaahinta iyo Xiriirka Dadwaynaha Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya.