Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Afrika ee Duulista iyo Hawada

Kigali , September, 12, 2022 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal oo hoggaaminaysa wafdiga Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shir weynaha Afrika ee Duulista iyo Hawada oo maanta ka furmay magaalada Kigali ee xarunta Dalka Rwanda.
Shirkan oo labo maalin soconaya , waxaa daahfuray Madaxweynaha Dalka Rwanda , Paul Kagame, iyadoo ay ka qeybgalayaan in ka badan 1100 ka qeybgale oo ka kala socda 84 waddan oo isugu jira wasiirro , wakiillo, madaxda shirkadaha diyaaradaha iyo khubaro kale.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa sheegtay inuu shirkan muhiimad u leeyahay Soomaaliya , maaddama uu Dalka ku jiro Horumarinta adeegyada Duulista iyo Hawada.
“Dalkeenna wuxuu horumar ka sameeyay muddo kooban adeegyada Duulista iyo Hawada , wuxuuna ka qeybgalka shirkan muhiimad u yeelaya in Soomaaliya ay la jaan-qaado , halka ay adduunyado u socoto ee la xiriirta Duulista iyo Hawada.” Wasiir Fardowsa ayaa sidaa sheegtay.
Inta uu shirka socday ayaa sidoo kale , waxaa ay Wasiirka kulan dooceedyo la qaadan doontaa, wasiirrada , maamullayaasha shirkadda duulimaadyada, xubnaha sare ee hay’adaha Duulista Hawada iyo khubarada kale ee shirka ka qeybgalaya.
HOOS KA EEG SAWIRRO
—Dhammaad—
Xafiiska Warfaafinfa iyo Xariirka dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya.