Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo qaabbishay madaxa UNSOS.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo qaabbishay madaxa UNSOS.

Muqdisho, October, 17, 2022 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabbishay madaxa xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) , Lisa Filipetto.

Kulanka ayaa looga hadlay taageerrada iyo iskaashiga labada dhinac , iyadoo sidoo kale diirrada la saaray horumarinta adeegyada badqabka diyaaradaha iyo garoommada oo uu ugu horreeyo garoonka caasimadda Muqdisho ee Aadan Cabdulle.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa xaqiijisay hiigsiga iyo qorshayaasha horumarinta inay mudnaan gaar ah siinayaan hannaanka badqabka.

Kulanka waxaa goobjoog u ahaa , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Mudane Cali Gacal Gaabow , Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Mudane Axmed Macallin Xasan , Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Duulista , Mudane Saciid Maxamed, Maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle , Maxamed Saciid Cabdullaahi, la-taliye sare Cabdirisaaq Aadan Geeddi iyo saraakiil ka tirsan xafiiska UNSOS.

—Dhammaad—

Xafiiska Warfaafinta iyo xariirka dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya.