Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan gaar ah la qaadatay xog-hayaha Guud ee Hay’adda Duulista adduunka (ICAO).

Montreal , September, 29, 2022 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan gaar ah la qaadatay Xog-hayaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada Adduunka ee ICAO , Mr. Juan Carlos Salazar iyo madaxa Hay’adda ee Bariga iyo Koonfurta Afrika , Mr. Barry Kashambo.

Kulanka ayaa looga hadlay sii amba-qaadida , iskaashiga , taageerrada iyo horumarinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

“Kulanka wuxuu mudnaan u lahaa dadaaladeenna horumarinta maamulka iyo adeegga Duulista Hawada , waxaana hoggaanka ICAO ay ballanqaadeen inay xoojin doonaan taageerrada Soomaaliya , si looga miro-dhaliyo hiigsiga aan ku dooneyno hay’adeenna Duulista Rayidka inay noqoto mid heerka u sarreeya.” Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay kulanka ka dib.

Xog-hayaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada Adduunka ee ICAO , Mr. Juan Carlos Salazar iyo madaxa Hay’adda ee Bariga iyo Koonfurta Afrika , Mr. Barry Kashambo ayaa si wadajir ah u boggaadiyay dadaallada iyo horumarrada ay gaartay Hay’adda Duulista Rayidka.

Kulamadan ayaa barbar socday ka qeyb galka Soomaaliya ee shirarkii 41-aad ee golaha hay’adda duulista hawada ee ICAO oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Montreal ee Dalka Canada.

—Dhammaad—

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka dadwaynaha ee Wasaarada Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya