Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan gaar ah la qaatay dhigeeda Dalka Qatar

Montreal ,September, 28, 2022- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Qatar , Mudane Jassim Saif Ahmed Al-Sulaiti.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dhinacyada , gaadiidka dhulka iyo cirka, Duulista Hawada iyo xoojinta iskaashiga.

“ Qatar waxay ka mid tahay dalalka iskaashiga wanaagsan uu naga dhaxeeyo, hadda waxaan dooneyna sidii xiriirka loogu beddeli lahaa wax-qabad, iyadoo la horumarinayo agabka iyo xirfadaha looga baahanyahay, Gaadiidka iyo duulista Hawada.” Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dalka Qatar , Mudane Jassim Saif Ahmed Al-Sulaiti oo dhankiisa boggaadiyay dadaallada ay hormuudka u tahay wasiir Fardowsa, ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii looga miro-dhalin lahaa hiigsiga horumarin iyo wadaaga khibradaha ee labada dal.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulan doceedyo ay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS , Xil. Fardowsa Cismaan la qaadaneyso wasiirrada , ururrada iyo wakiilada hay’adaha caalamiga ah ee ka qeybgalaya kalfadhiga 41-aad ee Golaha Hay’adda Duulista Hawada Adduunka ee ICAO.

—Dhammaad—

Xafiiska warfaafinta iyo xariirka dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya