Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo ku soo dhaweeyay Garoonka Aden Cabdulle Wafuud ka qayb galaysa Caleemo saarka M/waynaha Jamhuuriyadda.

Mogadishu, 07 Jun, 2022:– Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duran Farah ayaa Maanta garoonla Aden Cabdulle uga qaybgalay soo dhawaynta Wafuud ka qayb galaya Xaflada Caleemo saarka oo dhacaysa 9 June 2022.

Wafuudaan oo ka kala socda dalalka Yeman, Cumaan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiirka Gaadiidka oo ayaa sheegay in Ka
Xukuumad ahaan ay u diyaar garoobeen soo dhawaynta Martida ka qaybgalaysa Xaflada Caleemo saarka Madaxwaynaha jamhuuriyada ee dhacaysa todobaadkaan.

Docda kale Wasiirka Gaadiidka ayaa Maanta kulan la qaatay Guriyada diyaaraha Shirkada Favori iyo Hay’adda socdaalka isagoona kala hadlay hawlaha diyaar garowga xaflada Caleemo saarka.

Wuxuu faray Shirkadaja Diyaaradaha in shidaalju uusan kala go’in maadaama duulimaadyo badan imaanayaan.

Daawo Sawirro

Dhammaad.

Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawadda Soomaaliya.