Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo maanta kulan la qaadatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasarada iyo la taliyayaasha.

Muqdisho,15 Agoosto,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowso Cismaan Cigaal oo ay weheliyaan Wasiiru dawlaha Wasaarada Md. Maxmaed Cumar Cali Wasiir kuxigeenka Wasaarada Md Sulub Axmed Firin, waxaa shirka kasoo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Agaasimayaasha waaxyaha iyo la taliyayaasha Wasaarada qaybaheeda kala duwan.
Kulanka oo Sacaado socday ayaa ugu horayn lagu soo bandhigay Warbixinta guud ee Wasaarada,waxa u qabsoomay iyo Mustaqbalka qorshayaasha wasaraada lagu horumarinayo.
Agaasimaha Guud oo warbixin jeediyay ayaa si faahfaahsan uga waramay shaqooyinka Wasaaradu qabato,wuxuuna soo dhaweeyay Hoggaanka Cusub ee wasaarada, isagoona sheegay in si huffan ay ula shaqaynayaan masuuliyiinta cusub.
Agaasimayaasha waaxyaha Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ayaa dhankooda soo bandhigay shaqooyinka u qabsoomay. waxayna sheegeen in qorshahooda ay ku saleeyeen baahiyaha hortabinta leh.
Xubno ka mid ah La taliyayaasha shirka ka qaybgalayay ayaa Hoggaanka Wasaarada usoo bandhigay dhinacooda talooyin ku aadan sida lagu horumarin karo shaqada Wasaarada ka socota, waxayna soo dhaweeyeen Masuuliyiinta cusub ee Wasaarada la wareegay.
Wasiiru dawlaha Wasaarada Md. Maxamed Cumar Caana nuug iyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Md Sulub Axmed ayaa ka mahad celiyay Warbixinta lasiiyay ee ku aadan Shaqooyinka ka socda Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda.
Ugu dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Marwo Fardowso Cismaan ayaa shirka soo xirtay waxayna sheegay in la dardar galiyo shaqooyinka Wasaarada, iyadoona intaas ku dartay in wixii saxid u baahan la saxayo, sidoo kalena la xoojinayo wixii saxan.
Wasaarada Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya ayay sheegtay shaqo baaxad leh ay shacabka Soomaaliyeed u hayso ayna mar walba ku shaqaynayaan baahiyaha hortabinta leh ee wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda.
DAAWO SAWIRRO
Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka dawaynaha Ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya
Email: Info@motca.gov.so