Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo shir la qaadatay Maareeyaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah.

Muqdisho, 16,Agoosto,2022:- Wasiirka Gaadiidka Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaa maanta la kulantay Hoggaanka Hay’adda Duulista Rayidka ah ,waxaa kulanka ku weheliyay Wasiir kuxigeenka Sulub Axmed Firin iyo Wasiiru dawlaha Maxamed Cali Cumar iyo Cali Gacal Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawadda Xukuumadda.
Kulanka oo saacado qaatay ayaa looga hadlay dardar galinta shaqada Shacabka Soomaaliyeed ay u hayso Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.
Shirka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin iyo Agaasimayaasha waaxyaha waxayna si guud uga warbixiyeen Shaqada u qabsoontay iyo hiigsiga Hay’adda Duulista Rayidka (Somali Civil Aviation Authority – SCAA), waxay sheegeen inay la horumariyay Habka Maamulka hawadda Soomaaliya dhawaana ay ku rajo wayn yihiin in la gaaro Heerka A oo ah midka ay joogaan dalalka horumaray.
Shirka ayaa intii uu socday la isku dhaafsaday aragtiyo kala xariira habka shaqada lagu dardar galin karo, waxaana hoggaan wasaarada ay soo bandhigeen talooyinkooda ku aadan habka saxida shaqada iyo habsami u socodkeeda.
Ugu dambayntii Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaaa soo xirtay shirka waxayna masuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka ah ku bogaadisay shaqooyinka ay qaranka u hayaan,waxayna intaas kadib fartay in hawlaha shaqo ee Hay’adda horyaal la dardargaliyo laguna dadaalo sidii loo gaari lahaa hiigsiga Hay’adda ee lagu tayaynayo Maamulka Hawadda Soomaaliya.
DAAWO SAWIRRO
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka Dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya
Email: Info@motca.gov.so