Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS oo la kulmay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska iyo Saraakiil Sare oo ka socda Hawlgalka ATMIS.

Mogadishu, 29, May,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duran Axmed Faarax ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska iyo Saraakiil sare oo ka socda Hawlgalka Midiwga Afrika ee ATMIS.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray habkii loo qurxin lahaa Garoonka Aden Cabdulle iyo Nawaaxigiisa,iyadoona Hay’addaha kala duwan ee dagan gudaha Garoonka laga codsaday inay Hay’ad walba qurxiso wajahadeeda oo aysan ku koobnaan gudaha Xarumahooda.

Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday Xaflada Caleemo saarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo ka dhacaysa Xayndaabka Garoonka Aden Cabdulle iyo sidii si habsami leh ay ugu qabsoomi lahayd.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ayaa hay’adaha kale duwan ku bogaadiyay habka wada shaqayntooda.

DAAWO SAWIRRO

 

 

 

 


DHAMMAAAD

Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Somalia.