Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista XFS oo qaabishay madaxa UNHAS.

Muqdisho, September, 20, 2022 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta qaabishay madaxa adeegga hawada iyo bani’aadantinimada Hay’adda Qaramada Midoobay (UNHAS) ee Soomaaliya iyo Kenya , Dr Franklyn Frimpong.
Kulanka oo sidoo kale uu goobjoog u ahaa maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka , Mudane Axmed Macalin Xasan ayaa looga hadlay iskaashiga iyo dardargelinta duulimaadyada howlgalka bani’aadantanimada.
Howlgalka hawada ee Qaramada Midoobay iyo sida loo waafajin lahaa dadaallada horumarin ee ka socda Hay’adda Duulista Rayidka iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho , ayaa sidoo kale looga hadlay kulanka.
Ugu dambeyntii , Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa ballanqaaday in Dawladda Soomaaliya ay ka go’antahay fududeynta iyo xiriirka adeegyada bani’aadanimo ee la gaarsiinayo guud ahaan Dalka.
HOOS KA EEG SAWIRRO