Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo wafdi ay hogaaminayso oo u ambabaxay Dalka Canada

Muqdisho, 24,September,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumafda Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa maanta u ambabaxay magaalada Montreal ee Dalka Canada , halkaa oo ay uga qeybgali doonaan shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO).

Wasiirka Gaadiidka ayaa tiri ” anniga iyo wafdi aan hoggaaminayo u ambabaxnay magaalada Montreal ee Dalka Canada , halkaa oo u ka dhici doono shir weynaha Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee ICAO.

Shirkaan ayaa kusoo beegmay xiki soomaaliya ay horumar baaxad leh ka samaysay Adeega maamulka hawada Soomaaliya, iyadoona darajada A ay gaartay todobaadkii aan kasoo gudubnay.

Dawladda Soomaaliya ayaa ka mid ah 193 waddan ee xubnaha buuxa ka ah ICAO , iyadoo inta uu socda shir weynaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS , ay soo bandhigi doonto warbixin la xiriirta guulaha ay Dawladda Soomaaliya ka gaartay adeegyada duulimaadyada iyo Hawada sare , waxaa kalo ay kulamo doceedyo la qaadan doontaa wasiirrada iyo wakiillada ururrada iyo hay’adaha duulimaadyada adduunka ee shirka ka qeybgalaya.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWAYNAHA EE WASAARADDA GAADIIDKA SOOMAALIYA

EMAIL info@motca.gov.so