Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada oo Hambalyo udirtay Shaqaaalaha Maalinta Shaqaalaha Aduunka Awgeed.

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨,01,May,𝟐𝟎𝟐𝟑:-Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Federal Somalia Xildhibaan Fardawso Cisman Cigaal ayaa Munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka aawgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirtay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee sida nafhurnimada leh Dalkooda ugu adeegaya Duruuf kasta oo ay ku sugan yihiiin waxaana ay si gaar ah Hambalyo ugu dirtay hawl-wadeennada Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Qaybaha ay ka kooban tahay Waxda Gadiidka Rayidka ah Shqaaalahs Hay”ada Duulista Rayidka Somaliyeed.
Maanta oo kale, sannad walba waa maalin u taagan kaalinta taariikhiga ah ee shaqaalahu ku leeyihiin horumarka bulshadeenna iyo dib u dhiska dalkeenna, iyagoo ku shaqeeya duruufo adag oo aynu wada ogsoonahay.
Wasiir Fardawso ayaa u soo jeedisay shaqaalaha inay dardargeliyaan dadaalkooda si aan ugaaadhno ugana gudubno xaaladda aan ku suganahay mustaqbal ifayana ugu horseedno dalkeenna iyo dadkeenna una haleelo Hormar iyo Barwaaqo.
DHAMAAD-