Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo xilka la wareegay

Muqdisho, April, 5, 2023 – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Mudane Bashiir Macallin Cali Xasan iyo Agaasimihii hore Mudane Cali Gacan Gaabow.

Wasiirka ayaa boggaadisay howshii wanaagsanayd ee uu soo qabtay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda oo maanta xilka ku wareejiyay iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Agaasimaha cusub ee xilka kala wareegay,iyadoo u rajeysay Agaasimaha cusub in alle uu u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla.

“ Wasaaradda waxay door muuqda ka qaadanayaa horumarinta qorshaha Guud ee Qaranka, waxaan rajeynaynaa inan dadaalka labo jibbaarno.” ayay tiri Wasiir Fardowsa oo inta ku dartay “ Waxaan farayaa agaasime waaxeedyda iyo dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda inad kala shaqeysaan Agaasimaha cusub hirgelinta qorshaha horumarinta.”

—Dhammaad—